Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Culumada Gurmadka ee Nairobi iyo Puntland(Masawiro)

November 17, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka.

Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online