Madaxweynaha PL oo Ambabixiyey Gurmad Puntland u dirtay Beledweyne .[Masawiro]

November 13, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Degmada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Culimo iyo Ganacsato kasoo shaqeysay Gurmadkan iyo qaar ka mid ah Dhallinyaradii doorka ku lahaa.

Gurmadka maanta loo ambabixiyey Beledweyne oo intiisa badan laga soo ururiyey Boosaaso, waxaa uu ka koobanyahay 20 Gaari oo nooca xamuulka qaada ah, oo ay saaranyihiin 12,733 Kiish oo Raashin ah iyo Dhar cusub, waxaa deeqdan laraba in la gaarsiiyo 7000 oo qoys oo ah Walaalaha Fatahaaddu saameysay ee reer Beledweyne.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dadaalka iyo isxilqaanka reer Puntland sameeyeen si loo caawiyo dadka Fatahaadda Webiga Shabeelle saameysay “Waa waajib Dowladd iyo Shacaba saaran qeyb naga mid ah hadii Masiibo ku dhacdo in loo gurmado”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey dadweynaha reer Puntland sida ay uga jawaabeen baaqii Dowladdu ay dirtay, isla markaana ay Dowladda ugala shaqeeyeen in la helo Gurmad loo diro Walaalaheena Beledweyne. Si gaar ah wuxuu u xusay Doorkii Culimada, Ganacsatada iyo Dhallinyaradu ay qaateen.

Gurmadka maanta Beledweyne loo diray oo ahaa kii ugu balaarnaa ee Puntland dirto, waxaa kasii horeeyay 5 gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo laga ambabixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online