Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf u sameeyay Goleyaasha Kala duwan Ee Dowladda Puntland:

November 22, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo, Aqoonyahano, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay ujeedka kulanku inuu yahay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah.

Wuxuu Madaxweynuhu dadka xasuusiyey dhismihii Puntland, dadaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey in ay noqoto meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale oo hormuud u noqotay dalka dhinac walba, wuxuuna ku baaqay ku adkeynta midnimada iyo ka shaqeynta amniga iyo horumarka Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni wuxuu u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay Alla Haúnaxariistee Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka qadada ah lagu qabtay.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online