Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Dhakhaatiir Ka Socota (WAMY)

November 26, 2019 - Written by Editor

Garoowe : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhakhaatiir ka socota Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka ee (WAMY), oo Puntland ka fuliyey qalliin iyo daaweyn lacag la’aan ah.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane, Jaamac Faarax Xasan oo hogaaminayey wafdiga iyo Masuuliyiin ka socda Xafiisyada kala ah; Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYPD , Hay’adda Xikma, Shirkadda KEBARCO iyo Isbitaalka Gaalkacayo oo dhammaantood kala shaqeynayey Wasaaradda in Mashruucan qaliinka iyo daaweynta lacag la’aanta ah uu hirgalo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Adeega Caafimaad ee lacag la’aanta ah ee Dhakhaatiirtan ay dalka ka fuliyeen, Isagoo sheegay ka Dowladd ahaan inay marwalbo u fududeenayaan Dhakhaatiirta inay soo noqnoqdaan si ay howlaha samafalka caafimaad u gaarsiiyaan dhammaan Gobolada Puntland.

Dhakhaatiirtan oo u kala dhashay wadamada Sacuudiga iyo Suudaan, waxaa ay Isbitaalka Guud ee Gaalkacayo ka fuliyeen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah waxaa ka faa’ideystay dad ku dhow 140 qof, dadkaasi 105 ka mid ah waxaa loo sameeyay qalliin.
Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin mahadcelin iyo dhiirigelin ah guddoonsiiyey dhammaan dhakhaatiirtii ka socotay Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka (WAMY) iyo xubnihii kala shaqeeyey mashruucan inuu qabsoomo.

=DHAMMAAD=

Comments are closed.

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online