Mu’asasada Sheekh Cumar Faaruuq Alle ha u naxariiste oo lagu daahfuray Muqdisho (Daawo )

November 29, 2019 - Written by Editor

Waxaa Hotelka safari oo u dhow isgoyska Soobe ee magaalada muqdisho lagu qabtay maalintii arbacadii 20.11.2019 munaasabad aad loo soo agaasimay, taasoo lagu daahfuray Mu’asasada Sh. Cumar Faaruuq alana u naxariisto.

Munaasabadaas waxaa kasoo qayb galay culimo qadarrin iyo maqaam ku leh gudaha dalka soomaaliya iyo dibadiisaba. Culimadaas oo ay kamid ahaayeen:

1- Sh. Maxamed Cabdi Umal.
2- Sh. Bashir Axmed Salaad, gudoomiyaha Hay’adda culimada soomaaliyeed.
3- Sh. Cali Xasan (Cali Wajiiz)
4- Sh. C/Xayyi Sh. Adan.
5 – Dr. Mohamed Xaji Axmed
6- Sh. Suldan C/Qani Qorane.
7- Cumar Faaruuq Sh. C/Caziiz oo ah agaasimaha guud ee wazaaradda owqaafta iyo arimaha diinta, islamarkaana xubin ka ah Mu’asasada Sh. Cumar Faaruuq ee dacwada iyo horumarinta.

Hoos ka Daawo Kalimada uu ka jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal Daahfurka Musasada Sheekh Cumar Faaruuq raximahulaah

Hoos ka Daawo Kalimada uu ka jeediyey Sheekh Suldaan Cabdi Qani Qorane Daahfurka Musasada Sheekh Cumar Faaruuq raximahulaah

Hoos ka Daawo Kalimada uu ka jeediyey Sheekh Dr Maxamed Sheekh Ahmed Daahfurka Musasada Sheekh Cumar Faaruuq raximahulaah

Hoos ka Daawo Kalimada uu ka jeediyey Sheekh Cabdi Hayi Sheekh Aden Daahfurka Musasada Sheekh Cumar Faaruuq raximahulaah

Hoos ka Daawo Kalimada uu ka jeediyey Cumar Faaruuq Sh. C/Caziiz Daahfurka Musasada Sheekh Cumar Faaruuq raximahulaah

Iyo Culimo kale.

Munaasabadda waxaa kaloo ka soo qayb galay aqoon aqoonyahano kala duwan.
Sidoo kale waxaa goob-joog ahaa Bahda saxaafadda kuwa ugu caansan magaalada Muqdisho.

Run ahaantii lama soo koobi karo erayadii dhaxal-galka ahaa iyo murtidii ay marti sharaftu musaasabadda ka yiraahdeen, waxaase Halgan soo gaadhay Vedio- yadan ku lifaaqan qormadan aadka u kooban.

Ugu dabayntii waxaa munaasabadda soo gabagabeeyay Sh. Maxamed Xadiith Sh. Cumar Faaruuq, oo run ahaantii la oran karo wuxuu ahaa madaalaha Mu’sasada arbacadii la daahfuray.
Maxamed Xadiith wuxuu u mahadceliyay dhammaan intii gacan, firkad iyo talaba ka gaysatay mu’sasada Sh. Cumar Faaruuq raximahullaah.

Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online