Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamanka horgeysay Miisaaniyadda sanadka 2020

November 19, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland ayaa maanta horgeeyay Golaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 oo dhan $346,416,158.99.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee tagay golaha Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa Golaha usheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyadda wado miisaaniyada 2020.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa si qoto dheer ufaah-faahiyay habka Wasaaradda Maaliyaddu u soo diyaarisay miisaaniyada 2020.

Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa eegi doona Miisaaniyada 2020 ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.

Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda maanta la horgeeyay Golaha Baarlamaanka.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online