Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegay in xal laga gaaray cidaamo gadooday

November 16, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, oo ay Wehliyaan Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Puntland iyo isimada, Waxgaradka Gobalka Bari,ayaa ugu danbeyn ku guuleystay in la xaliyo xiisadii ka taagnayd magaalada Boosaaso.

Wasiir Dhabancad oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa waqti badan ka baxshay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa loogana saari lahaa Ciidamadii Gudaha usoo galay magaalada Boosaaso iyadoona Ugu danbeyn uu ku guuleystay in banaanka looga saario ciidankii.

Wasiirka ayaa inta badan latashanayey isimada iyo Waxgaradka Gobalka Bari oo iyaguna uxusul duubtay Door-weyna ka qaatay hortaga dhiiladda colaada ee magaalada Boosaaso Gudaheeda ugu danbeyntiina xal nabadeed laga gaaray.

Ugu danbeyntii waxaa xusid mudan in wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, oo safar shaqo ku aadi lahaa dalka dibadiisa uu uga
baaqsaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii maalmihii u danbeeyey ka taaganaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.