Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi Culimo Ah oo Qayb Ka Noqonaysa Gurmadka Gardafuu.

December 5, 2019 - Written by Editor

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda bini’aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi.

Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah sidan:-

1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur
Guddoomiye.
2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
Guddoomiye Ku-xigeen.
3.Shiikh Daahir Aw Cabdi
Xubin
4.Shiikh Maxamed Macalin Axmed
Xubin
5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir
Xubin
6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle
Xoghayn.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online