Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safiirka dalka Talyaaniga iyo Germany ee Soomaaliya

January 31, 2020 - Written by Editor

Nairobi:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni ayaa xalay kulan Casho ah kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan safaarada Talyaaniga.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga, waxaa kale oo laga wada hadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ee Puntland iyo mashaariicda horumarin.

Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi ku-xigeenka danjiraha dalka Germany ee Soomaaliya, mudane Markus Bollmohr.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo mashaariicda horumarin ee Dowladda Germany ka waddo Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online