Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Dowladda France iyo dalka Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya

January 24, 2020 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan casho ah kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socda Safaaradda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankaasi ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta Xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online