Wasaarada waxbarashada PL oo shaacisay heshiisyaddii ay la gashaya Dowladda Federaalka ee aan fulin

January 26, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxa ay la wadaagaysaa dhamaan dadka Soomaaliyeed jawaabteeda iyo heshiiyada hoos ku xusan sida wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Cabdullaahi Maxamed Xasan caddeyay

1. Heshiiskii 2015

Sida ku cad lifaaqa hoose waxaa warqad kasoo baxday xafiiska Wasiiradii xilligaa ee Maamo Khadro lagu heshiiyay in shahaadada Federalka laga bixiyo xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland si adeega loogu soo dhaweeyo ardada Puntland. (Fadlan eeg lifaaqa hoose heshiiskii 2015 oo 2 page ah iyo faahfaahintiisa).

Waxaaa xusid mudan in markii wasaaradda waxbarashada federaalku bilaabaysay imtixaanka shahaadiga ah ay Puntland u dirtay koox ka caawisa lana shaqaysa xilligii Wasiirad Khadra si loo helo imtixaan qaran iyada oo waliba kooxdii loo diray lagu soo weeraray hotelkii ay daganaayeen dad diidanaa owgeed imtixaanka ay ka shaqaynayeen midayntiisa.

2. Heshiiskii 2017 bishii 7aad

Waxaa wada hadal aad u ballaaran ku galay Garowe laba kooxood oo ay kala hogaaminayeen labadii Wasiir ee xilligaa oo kala ahaa Wasiir Abdirahman oo ah wasiirkii xilka ku wareejiyay wasiir Goodax iyo wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Abshir Aw-Yusuf isse. Waxaa la isku afgartay qodobbo ay ka midyihiin imtixaanka, shahaadad iyo deeqaha waxbarashada oo intaba laga gaaray heshiis.
( Fadlan eeg lifaaqa heshiiskaas oo saxiian 2017 kii ilaa dhawr bog ah oo ay saxiixeen labadii wasiir, labadii agaasime guud, iyo gudigii wada hadalka).

Maxaa xigay?

Markii uu yimid Wasiir Goodax waxa uu si cad udiiday dhamaan iskaashigii iyo wadashaqayntii labada wasaaradood.

Wasiir Goodax waxa uu email usoo diray Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland isaga oo ku amraya in Puntland sanadkii tagay 2019 ay galaan imtixaanka Federalku diyaariyay taas oo ku ahayd kadiso iyo layaab maadaama aan la midayn manaahijtii ka horraysay. Waxay ula muuqatay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland in ay tacaddi ku tahay ardayda reer Puntland inay galaan imtixaan ku salaysan waxa aysan soo dhigan.

Wasiir Goodax si ka baxsan anshaxa waxbarashada waxaa uu tagay TVga qaranka isaga ka sheegay si Public in Puntland diiday imtixaankii Wasaaradda Waxbarashada Federal ka taa badalkeed na ku goodiyay inuu joojinayo shahaadada aradada ree Puntland, si ka duwan sidii wasiirradii ka horreeyay oo ahayd in lagu dhamayn jiray wada hadal iyo isqancin wixii markaa jira.

Tanaasulkii Wasaaradda Waxbarashada Puntland

Sida aad ka arki karto lifaaqa hoose waxaa shir isugu yimid Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Mukhtraar Jeyte iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada federalka Mr abdirahman abdulle Jaabir oo kasoo jeeda Puntland kaas oo la isku dayay in la xalliyo khilaafka si loogu daneeyo ardada ayaa waxaa la isku afgartay qodobbada ay ka mid yihiin; (Fadlan lifaaqa Tanasulka Wasaaradda)

1. In la mideeyo imtixaannada 2020 si cilmiyaysan oo macquul ah.
2. In la dhiso gudiga imtixaanaadka qaranka oo yeelan doona shaqo qeexid iyo miisaaniyad (Federal Examination Board).
3.In la mideeyo kormeerka imtixaanka xilliga la dajinayo, la qaadayo, lanasaxayo.
4.In natiijada imtixaanka lagu shubo Website ka Wasaaradda Waxbarashada Federalka.
5.Bixinta iyo Tasdiiqinta shahaadada in laga helo xarumaha dawlad goboleedyada.

Waxaa xusid in Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Mukhtaar Jeyte uu saxiixay sidaad ka arki karto balse uu diiday wasiir Goodax markii lala wadaagay illeen waa nin ujeeddo kale leh oo ku tala galay inuu dhibaateeyo ardayda ree Puntland ee Soomaaliyeed markastana iska horkeeno bulshada. Waxaa sidii sanadkii hore oo kale mar labaad uu tagay idaacadaha si uu uga beensheego xaqiiqda iyo waxa ay runtu tahay, bal eeg qodobbada uu saxiixay Wasiir Mukhtaar ee lagu midaynayo maalmaha imtixaanka, kormeerka iyo waxkasta oo macquul ah.

Gunaanad

Dooddaan waa dood dastuuri ah, dalku waa federal mana aha shahadada in loo doonto Muqdisho, sido kale adeegga bulshada oo waxbarashadu ka mid tahay waa in loo daadajiyaa heer gobol, dagmo iyo tuulo ee ma ahaa in loo doonto caasimadda sida ku cad dastuurka, adduunkuna ku dhaqmo.

Hishiishiishayadii dhexmaray 2014kii ee Labada Wasaaradood ee Waxbarashada Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Federalka.
oo ay kala saxiixdeen Ra’sal Wasaarihii hore Dowlada Federalka Soomaliyeed Abdiwali Shiekh Axmed Mohamed iyo Madax Waynihii hore ee Puntland Abdiwali Cali Gaas.

Fadlan Hoos ka eeg lifaaqyada heshiisyada Qodabbada Heshiiskii bishii 10aad, 2014 waxaa ka mid ahaa;

FG. Fadlan eeg qaybo ka mid ah heshiisyadii taxana ahaa si aad u fahanto halka wax ka khaldanyihiin iyo jawaabta wasaaradda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online