Wasiirka Arrimaha gudaha PL oo safar shaqo ku tegay Degmada Qandala.[Masawiro]

January 26, 2020 - Written by Editor

Qandala:- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha DPL Mudane Maxamed Dhabancad oo isugu jira labada Golle ee Dowladda Puntland maamulka Gobolka bari Taliska qeybta Gobalka iyo Madax ka socotay Hay’adda TIS+/USAID ayaa Safar Shaqo ku gaaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari

Wafdiga balaaran oo uu hogaaminayo Wasiir Maxamed Dhabancad ayaa Degmada si diiran ugu soo dhaweeyey Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Qandala.

Ujeedka safarka Wasiirka ee Degmada Qandala ayaa salka ku haya kormeer shaqo oo ku saabsan Mashaariicda hormarineed ee laga hirgaliyey Degmada Qandala Sidii Xariga uga jari lahaayeen Mashaariicda oo kale ah laydhka Cadceeda ku shaqeeya iyo Guriga Faleenka.

Wasiir Maxamed Dhabancad oo fagaare kula hadlay dadweynaha Qandala, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna sheegay in booqashada Degmada Qandala ay muhiimad gaar uleedahay isagoona ku
ku dhiirigeliyey dadka degmada Qandala ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Masuuliyiinta lasocotay ayaa kormeer ku tagay xarumaha Dowlada ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online