Wasiirkii amniga ee Jubbaland oo ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa

January 28, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa si rasmi ah u sheegay in wasiirkii amniga maamulka Jubbaland uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa.

Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegay in ciidanka amniga ay ku raad joogaan wasiir Cabdirashiid Janan oo ay xireen dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Ogosto 31-keedii sannadkii la soo dhaafay ayna ku eedeeyeen in uu galay dambiyo culus.

Madaxda maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyey xariga wasiirka amniga ee Jubbaland dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay in xariga wasiirka la siyaasadeeyey ka dib is afgarashu xumo soo dhex gashay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka dhalatay doorashadii ka dhacday Jubbaland ee lagu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan ahmed Madoobe.

Warar hoose ayaa sheegay in wasiirka amniga Jubbland Abdirashiid Janan la keenay 5 maalmood ka hor goobta uu ka baxsaday maanta arrintaas oo abuurtay shaki badan oo laga qabo nolosha wasiirka iyo xaaladiisa caafimaad

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online