Zubayr Al-Muhaajir oo sheegay in Al Shabaab aysan diinta ku dhaqmin uuna ka baxsaday [Video]

January 21, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Zubayr Al-Muhaajir oo ka mid ahaa Saraakiisha Ajnabiga ah ee ka mid ahaa Ururka Al-shabaab ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu ka baxsaday Hogaanka ururka Al-shabaab uuna hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Wariyaasha ka howl gala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa Halgan.net waxaa soo gaarsiiyeen cod iyo Video uu leeyahay Zubayr Al-Muhaajir Usbuucii la soo dhaafay balse howl wadeenada Halgan.net ayaa waxa ay wadeen baaritaan ku saabsan wax xaqiiqda ah ee ka jira in Zubayr Al-Muhaajiruu ka baxsaday ururka Al-shabaaab uuna isku dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mareegta Halgan.net ayaa Zubayr Al-Muhaajir waxaa ay dhowr sano ka hor baahisay qoraalo uu leeyahay Zubayr Al-Muhaajir uuna dhaliil u soo jeedinayo hogaanka ururka Al-shabaab. Halkaan ka eeg qoraal ay Halgan.net 2013 ay ka qortay Zuber Al-Muhaajir
Hoos ka Dhagayso Zubayr Al-Muhaajir oo ka hadlaya in uu ka baxsafay Al-shabaab.

Dhinac kale idaacadda VOA ayaa maanta waxaa ay waraysi gaar ah la yeelatay Zubayr Al-Muhaajir oo ka mid noqday golaha shuurada ee Al-Shabaab waxaa uu sheegay in uu ka soo baxsaday al-shabaab.

Hoos ka Dhagayso waraysiga gaarka ah ee uu VOA siiyey Zubayr Al-Muhaajir.


Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hogaanka ururka Al-shabaab oo ku saabsan in Zubeyr Al-muhaajiri uu ka baxsaday Al-shabaab uuna isku dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya ama uu ku sugan magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online