Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey dalka Jabuuti

February 18, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa leh xiriir wadashaqeyn oo ku salaysan dhinacyada Amniga, Horumarka iyo Ganacsiga.

=DHAMAAD=

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online