Wasiirka Maaliyadda dowada Itoobiya oo gaaray magaalada Hargeysa

February 19, 2020 - Written by Editor

Wafdi uu horkacayo wasiirka maaaliyadda dowladda Itoobiya, Axmed Shide ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn kadib waxaa la geeyey madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, halkaas oo hadda uu kulan uga socdo, wafdiga wasiirka iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Inkastoo aan weli la shaacin waxa uu ku saabsan yahay socdaalka wafdiga wasiirka ka socda dalka Itoobiya ee Hargeysa gaaray, hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Itoobiya ay Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa ku cadaadineyso in ay aqbalaan dalabkii Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ahaa, in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay Hargeysa socdaal ku wada yimaadaan.

Booqashada wafdigan ka socda dalka Itoobiya ayaa waxaa uu ku soo aadaya xili shalay Madaxweynaha Somaliland uu diiday in Madaxweyne Farmaajo uu tago magaalada Hargeysa .

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online