Wasiirka Waxbarashada ee Puntland oo kormeeray Xarumaha Waxbarashada Degmada Dhahar

February 5, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, ay waheliyaan Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Haylaan Mohamud Abdirixmaan Mohamed (Jowte) iyo Guddoomiyaha Waxbarashada degmada Dhahar Abdirishiid Ducaale Ahmed ayaa si wadajir ah u kormeeray Xarumaha Waxbarashada Degmada Dhahar ee Gobolka haylland una kuur galay xaaladaha deegaanka Waxbarashada Haylaan.

Wasiirka oo madasha ka hadlay ayaa dadka deegaanka ku boorriyey inay aaminaan dowladdooda iyo Wasaaraddooda Waxbarashada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay inay Wasaarad ahaan ku dedaaleen sidii ay goobaha Waxbarshadu u dhammaystirmi lahaayeen, isla markaana ay haatan ku hawlan yihiin in dhammaanba goob walba loo tayeynayo si looga faa’iidaysto hormarinta waxbarashada Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda Waxbarashada ee Dugsiyadda Dhahar iyo baahiyaha ka jira degmada, wuxuuna Wasiirku soo kormeeray Dugsiga Public Dhahar .

Wasiirka Waxbarashada ee dowladda Puntland C/laahi Maxamed Xasan ayaa dhammaan ardayda u rajeeyay guul iyo inay Waxbarashadooda ka rumeeyaan oo farxad galiyaan waaliddiintooda iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Wasiirka ayaa wuxuu kaloo ka wacyigeliyey ardayda F4 inaysan ku mashquulin waxyaalaha la isla dhex marayo baraha bulshada oo ay sidii caadiga ahaa u helayaan shahadadooda ay xaqa u leeyihiin iyo deeqaha Waxbarashada Puntland.

By: Deeq Hurevov Madaxa Xiriirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online