Ciidanka Amniga Puntland [PSF]oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish

March 23, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa qoraal fariimeed ay ku daabaceen barta ay ku leeyihiin baraha bulshada waxaa ay ku sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixisadu ay doonayaa in ay ku beegsadaan dadka haldoorka u ah bulshada.

Ciidanka amniga Puntland PSF ayaa xalay ka fuliyey howl gal ay ku soo qabteen xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish ka dib dilal dad shacab ah loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidanka amniga Puntland PSF ayaan weli saxaafadda la wadaagin xubnaha ay gacanta ku soo dhigeen ee lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online