Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta Dawladda Puntland oo kulmay

March 9, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Caasimada Dawladda Puntland ee garoowe waxaa kulan ku yeeshay madaxda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta Dawladda Puntland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cali Xasan Axmed (Sabaray) Wasiirku- xigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka Cumar Xassan Fiqi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Faysal Cabdulaahi Warsame, Agaasime guud ku xigeenka dakhliga Abshir Maxamed abshire iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda

Wasiirku- xigeenka Maaliyadda iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa kawada hadlay sidii loo dardar galin lahaa Cashuurta ku waajibay Shirkadaha Isgaarsiinta ka hawl gala Puntland.

Madaxda labada Wasaaradood ayaa ku balamay in kulan loo qabto Madaxda shirkadaha isgaarisiinta kaasi oo dhowaan ka dhici doona magaalada Garoowe.

Xaafiiska Warfaafinta ee W. Maaliyada

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online