Madaxweynaha JFS oo booq day qoyska Cabdinaasir Cabdulle Gacal

March 11, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Shahiid Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxuumka ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadeyso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u shahiiday dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Gacal waxa uu naftiisa u hibeeyay difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xirfaddiisa wariyenimo la garab taagnaa halyeeyada kale ee Ciidamada Qalabka Sida ee safka hore kaga jira furimaha dagaalka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha geesiyaasheenna Ciidanka Qalabka Sida ay ka soo hoynayeen argagixisada Alshabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah bukaannada ku jira cusbitaalka Yardimeli, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladdooda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta dabiibeysa iyo Agaasimaha cusbitaalka Mudane Ibraahim Maxamed Xasan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online