Madaxweynaha Jubaland oo gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

March 9, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

—– Dhamaaad—

Comments are closed.