Madaxweynaha Puntland oo la kulmay danjiraha Jabuuti u fadhiya Dalka Soomaaliya

March 10, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxwyne Ku-xeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa kulan la qaatay danjiraha Jabuuti u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.

Weftiga ayaa maalintii shalay Booqday Dekadda Cusub ee laga dhisaayo Magalaadda Garacad waxana ay soo kormeereen sida ay u socoto howsha dhismaha Dekadda, kulanka ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Wakiilka Puntland ee Jabuuti Mudane Siciid Mahdi iyo Masuuliyiin kale.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWALADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online