Madaxweynaha Puntland oo furay shirka wadatashiga Puntland iyo Khudbadihii Laga Jeediyey (Daawo)

March 15, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxwayne ku Xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Daah-furka Shirwaynaha Wadatashiga Puntland oo maanta ka furmay Xarunta Jamacaada PSU ee Magaaladda Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qayb gelaya ergoogin ay tiradoodu ku dhawdahay 500 oo ka kala yimid dhammaan gobollada Puntland. Shirka waxaa sidoo kale qayb ka ah siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya iyo Puntland oo ay ka mid yihiin: madaxwaynaaashii hore iyo madaxwayne ku xigeennadii hore iyo guddoomiyeyaal horay usoo maray Golaha Wakiilada Dawladda Puntland.

Hoggaanka dhaqanka, masu’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, wasiirro iyo xildhibaanno ka kala socday labada aqal ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gelaya kulankan oo socon doona muddo saddex cisho ah.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyey furitaanka shirka ayaa sharraxay guulaha ay gaartay Dawladda Puntland, muddadii 21ka sano ahayd ee ay jirtay.

=Dhammaad=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Khudbada Madaxwane Kuxigeenka Dawlada Puntland ee Shirwayanaha watashiga Puntland

Khudbadii Madaxweynihii hore ee Puntland Dr C/raxmaan Sh Maxamuud Faroole

Khudbada Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraaddiyenta dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Khudbadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uu ka jeediyey Shirweynaha wadatashiga Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online