Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday Tukaraq

March 24, 2020 - Written by Editor

Tukaraq:-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray, Fariisimaha Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Kormeerka waxaa Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ku wehelinayey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Xubno ka mid ah Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa warbixin ka dhageystay, Saraakiisha Ciidamada Difaaca ee Dowladda Puntland ee Aaga Tukaraq, Kadibna waxaa uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu Asteeyay Xarun lagu tababarayo Ciidamada Daraawiishta Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online