Ra’iisul Wasaare JFS oo Xariga ka jaray Garoonka Diyaarada Baraawe

March 10, 2020 - Written by Editor

Baraawe:-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo socdaal shaqo kusoo gaaray caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha magaalada oo si heer sare ah loo dhisay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in dhammeystirka dhismaha garoonka ay astaan u tahay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dib-u-dhiska Soomaaliya, kaabayaasheeda dhaqaale iyo isku xirka dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dalka iyo dunida inteeda kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay xarig jarka iyo dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee deegaannada dowlad gobaleedka koonfur Galbeed ayaa caddeeyay in dhammmaystirka gegida Baraawe ay noqoneyso guul wayn oo sare u qaadeysa dhaqaalaha dalka, fursadna u siineysa dowladda gobaleedka Koonfur Galbeed inay adeegyada aadka loogu baahan yahay gaarsiiso guud ahaan bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa munaasabadda daah furka garoonka ka sheegay in dowladdu ay sii wadeyso mashaariicda horumarineed ee bulshada loogu adeegayo ayaa ballan qaaday in waddada isku xirta Garoonka iyo magaalada Baraawe ay dowladda federaalka dhiseyso, si ay qayb uga noqoto horumarka guud ee caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhismaha garoonka diyaaradaha ee la dhammeystiray oo leh waddo ay diyaaraddu ku oroddo oo dhererkeedu yahay 2km iyo dhisme loogu talagalay rakaabka, ayaa si wayn gacan uga gaysanaya horumarinta amniga, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha. Garoonka ayaa magaalada Baraawe ku xiraya suuqyada dibadda, taas oo dadka deegaanka fursad u siineysa in khayraadkooda badeed ee hodanka ah ugu suuq gaysan karaan qaybaha kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa November ee sannadkii 2017 waxuu dhagax dhigay Mashruuca dhismaha garoonka diyaaraha Baraawe oo ay ku baxday 4.3 milyan oo doollar ayna iska kaashadeen midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online