Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii labaad oo Coronavirus ah

March 26, 2020 - Written by Editor

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in kiiskii labaad ee Coronavirus ah ee gudaha Soomaaliya laga helay qof ku sugan magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in qofka labaad ee laga helay xanuunka Coronavirus uu yahay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, kaasi oo ka mid ah dad ay karantiileysay dowladda.

“Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo, baaritaan aan isbuucii hore dirnay ayuu jawaab u ahaa, oo xaqiijiyey xanuunka. Ma ahan qof calamaduhu ay ka muuqdaan, wuxuu ka mid yahay dadka karantiilka ku jira,” ayay tiri wasiir Fowsiya Abiikar Nuur.

Fowsiya ayaa sidoo kale sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay, balse ay meel kusii hayn doonaan, siina wadi doonaan baaritaanada illaa uu ka caafimaado, si loo sii daayo.

Wasiirka ma shaacin dalka uu ka yimid qofkan, hase yeeshee dowladda ayaa horey u karantiileysay dad ka yimid dalal ay ku jiraan Shiinaha iyo Talyaaniga oo Soomaali ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa 16-kii March xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah ee laga helo gudaha Soomaaliya, kaasi oo ahaa muwaadin kasoo laabtay dalka Shiinaha.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online