Wasaaradda waxbarashada PL oo heshiis la gashay Jaamaacadda Islamic International University Uganda

March 18, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxammed Xassan iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxammed iyo Agaasime-Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa heshiis la galay Jaamacadda Islamic University In Uganda (IUIU) oo kala ahaa Masuuliyiinta Jaamacadda.

1- Prof: Ismail Simbwa (Vice rector, Academic affairs

2.Dr.Kasozi Ediriisa (Deputy Dean Faculty of law)

3.Mr. Kibirige Ahmed (Consultant)

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac iyo horumarinta waxbarashada dalka, in heshiis rasmi ah lawada galo oo deeqo waxbarasho oo heerar kala duwan leh oo sannadle ah la hirgaliyo, in ardayda Wasaaraddu sugaysay qubuulkooda iyo Visahooda sida ugu dhakhsiya badan loosoo saaro iyo in tababbarrada macallimiinta Jaamacadda la iska kaashado.
Wafdigu wuxuu ku guuleystay in heshiis rasmi ah ay wadagalaan Jaamacadda Islamic Universitay ee dalka Uganda, kaas oo ku cad xiriirka labada dhinac iyo deeqaha waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

Dhinaca kale, wafdiga Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay kulan gaar ah la yeesheen masuuliyiinta Jaamacadda Islamic University.
Ugu dambayn, kulankaan waxaa la isku afgartay:

1. In la xoojiyo xiriirka Jaamacadaha Puntland iyo Jaamacadda Islamic University ( IUIU).
2. In la xoojiyo luuqadaha sida English iyo Carabiga maaddaama luuqada Carabiga ay dastuurka Puntland ku taallo.

3. In ardayda Puntland ay u furantahay in waxbarashada fog ee elektarooniga ah ay wax ka baran karaan Jaamacadda Islamic University ee Uganda, iyagoo gurigooda jooga ama shaqadooda haysta.

Xubnahan ka socday jaamacadda Islamic University ee dalka Uganda ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Uganda ay ka go’an tahay waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland mudane Cabdullaahi Maxammed Xassan ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Uganda ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Reer Puntland ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiiinta

Wasaaraadda Waxbarashada ayaa dadaal ugu jirta baahinta iyo tayeynta Waxbarashada Puntland, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada asaasiga ah iyo midda sare.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online