Wasiirk ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo booqday Garaad Jamaac

March 26, 2020 - Written by Editor

Saaxdheer :-Wasiirk ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdi-weli Mire Xirsi oo safar shaqo ku tagay magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool.

Wasiirka ayaa marka uu gaaray saaxdheer waxaa uu gurigiisa ku booqday Garaadka Guud ee gobolada Sool Konfurta Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

Wasiirka ayaa Garaadka la wadaagay xogta Dalka iyo halka wax marayaan, Garaadka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada uu ku yimid waxaana uu ku amaanay Wasiirka safaradda uu ku marayo degaanada ka fog laamiga iyo ahmiyadda gaarka ah ee ay Dowladda Puntland siinayso wax ka qabashada baahiya kala duwan ee ka jira deegaanada laamiga ka fog.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAH WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYENTA PUNTLAND.

Comments are closed.