Madaxweynaha Deni oo goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno uu magacaabay

May 25, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay oo galabta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey.

Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, halkaasi Wasiirada cusub uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeennada cusub, wuxuu marka hore Dowladda iyo Shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday maanta Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee dowladda kusoo biiray.

Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasiir Ku-xigeenada cusub ee la dhaariyey:

1 Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.
2 Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
3 Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
4 Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta
5 Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta.
6 Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
7 Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.


=DHAMMAAD=

Comments are closed.

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online