Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru Ku-xigeeno .

May 22, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.45 ee 22d May 2020 kuna saabsan magacaabid Wasiiro iyo Wasiiro Ku xigeeno ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.

2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta.

5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta.

6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda.

7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.

8. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaciil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online