Madaxweynaha Puntland oo KaTacsiyeeyey Geerida Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland

May 7, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Puntland oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim.

Madaxweyne Deni “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Dowladda iyo shacabka Jubbaland, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyoodey dalka Hindiya. Marxuumku waxa uu dalkaasi u tegey xaalad caafimaad.

Waxaan dareenka tiiraanyadaasi la wadaagayaa masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegey Marxuumku, Rabbi samir iyo iimaan haynaga-siiyo dhammaanteen, wuxuu ahaa masuul Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan Alle u waydiinayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.”

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online