Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shaqaalaha Caafimaadka Dalka ku Ammanay sida ay uga Go’antahay Xakameynta Faafitaanka COVID-19

May 2, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha caafimaadka dalka ku bogaadiyay dadaalka naf-hurnida leh ee ay ugu jiraan inay dadka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cudurka COVID-19.

Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in guud ahaan howl wadeennada caafimaadka dalku ay aqoontooda, waqtigooda iyo naftoodaba ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa bulshada intiisa kale, ayaa Allah uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo howl-wadeeennada uu cudurku ku dhacay iyaga oo halista curudka ka badbaadinaya dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ugu habmalyeeyay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dawladdu ay muhiimad gaar ah u siineyso xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqaalaha dawladda kula dardaarmay inay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan inay qayb wayn ka qaataan dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online