Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka

April 11, 2026 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.

Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra’iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maareeyaha Dekedda Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.

—–DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
April 2026
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online