Madaxweynaha Puntland kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliiska
April 23, 2026 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay oo kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliiska ee dhowaan loo magacaabay Hoggaamada Booliska iyo Taliyeyaasha cusub ee Qeybaha Booliska ee Gobollada Puntland.
Madaxweynaha ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka Amni ee loo igmaday, iyadoo xoogga la saarayo isbdel lagu horumarinayo hannaanka shaqo ee Saldhigyada iyo Talisyada qeybaha Booliska ee Gobollada.
–DHAMMAAD–
-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

.gif)

