Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiir Dowlayaal ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland
April 18, 2026 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 ee 18-ka April 2026 kuna saabsan Magacaabid Wasiir Dowlayaal ka tirsan Golaha Xukuumada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu la tashaday: Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey: –
1. Waxaa Axmed Bashiir Muuse loo magacaabay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka
2. Waxaa Fu’aad Warsame Maxamed (Xanaano) loo magacaabay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dhinaca Difaaca
* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

.gif)

