Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland.

May 24, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda, ballaarinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta maamul-wanaagga. Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhegaystay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland, kuwaas oo ka xog-warramay xaaladda guud ee Gobollada gaar ahaan Amniga, Horumarka , shaqooyinka ka socda iyo kuwa qorsheysan iyo baahiyaha deegaanka iyo xaaladda Abaarta.

Ugu dambayn, Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa Guddoomiyeyaasha Gobollada ku wareejisay gaadiid cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada bulshada iyo fududeynta shaqada maamulka gobollada. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
May 2026
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online