Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Guddiyada Amniga iyo Horumarinta ee magaalada Boosaaso
May 9, 2026 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiyada Amniga iyo Horumarinta ee magaalada Boosaaso, si loo dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan ee dhinacyada Adkeynta amniga iyo horumarinta magaalada Boosaaso oo isbedel weyn oo wanaagsan uu ka muuqdo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Gen, Muumin Cabdi Shire, Wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda, Guddoonka gobolka Bari iyo
Guddoomiyaha degmada Boosaaso, La-taliyeyaal iyo xubnaha Guddiyada Amniga iyo Horumarinta Magaalada Boosaaso.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

.gif)

