Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka

May 20, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, ayna qeyb ka yihiin Saraakiisha Howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga iyo guulaha ay Puntland ka gaartay la dagaalanka Argagixisada Daacish. Sidoo kale kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka gaar ahaan dhinacyada Amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka. Dhanka kale, shirku wuxuu xusay muhiimmadda xiliga kala guurka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa ku simaha safiirka Maraykanka ayaa boggaadiyey hawlgalada ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray ciribtirka argagixisada, sidoo kale safiirka ayaa amaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, waxaana uu balanqaaday taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada Adkeynta Amniga iyo baahinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa kulanka ka qaybgalay , xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
May 2026
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online