Madaxweyne ku xigeenka Puntland tababar u furay xirfadaha Garsoorka iyo xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

May 3, 2026 - Written by Editor

Garoowe: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay tababar ku saabsan horumarinta xirfadaha Garsoorka iyo xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland.

Tababarkan oo ay diyaarisay wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland ayaa lagu xoojinayaa aqoonta iyo hufnaanta bahda garsoorka.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ayaa xusay in bulshada Puntland ay si wayn u sugayso helitaanka caddaalad dhab ah, taasoo saldhig u ah nabadgelyo, xasillooni iyo kalsooni bulsho, isagoo adkeeyay in hay’adaha garsoorku muujiyaan hufnaan, caddaalad iyo shaqo wanaag.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa ku booriyay ka qayb galayaasha inay ka faa’idaystaan fursadaan si ay u xoojiyaan waajibaadkooda shaqo oo ugu adeegaan bulshada si caddaalad ah.

—–Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
May 2026
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online