Maxaa laga filan karaa Shirka DFS iyo Mucaaradka ee ka socda magaalada Muqdisho.
May 14, 2026 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho Shir u dhexeeya DFS iyo Mucaaradka waxaana uu shirka uu ka furmay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho .
Shir ayaa waxaa dhanka DFS horkacayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac,waxaa dhanka Mucaaradka hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shirka oo ahaa shalay mid adag waxaa dhexdhexaadinayey oo garwadeen ka ahaa Beesha Caalamka gaar ahaan Safiirka UK iyo Safiirka dalka Mareykanka.
Mucaaradka DFS oo uu matalayo Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in dastuurka saxda ah ee la isku raacsan yahay uu yahay kii 2012-ka, waxayna sidoo kale u sheegeen Madaxweynaha DFS uu la yimaado doorasho heshiis lagu wada yahay .
Dhanka DFS uu hogaaminayo Madaxweynaha JFS ayaa soo jeediyey dalka doorashada u haboon ay tahay doorasho qof iyo cod ah waxaana uu tusaale u soo qaatay doorashada ka dhacday gobolka Banaadir iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Hogaanka DFS iyo Mucaaradka ayaa shalay isku waafaqi waayey doodihii ,doorashada iyo Dastuurka dalka waxaana lagu balamay in maanta dib la isigu soo laabto.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

