Shirka Golaha Wasiirada Galmudug iyo xaaladda amniga deegaanada Galmudug

May 23, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanada Galmudug, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta Adeegyada Dowladnimada.

Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Wasaardaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug, kuwaasoo ka warbixiyay guud ahaan xaaladda deegaannada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay kooxaha leh aragtiyada gurracan ee isku dayaya in ay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida deegaannada Galmudug, iyagoo faafinaya Dacaayado raqiis ah iyo warar been abuur ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa tilmaamay in Galmudug ay horay uga soo gudubtay hagardaamooyin iyo shirqoollo yoolkoodu ahaa kala qaybinta bulshada Reer Galmudug. Wuxuu xusay in dowladdu ay si buuxda uga warqabto ujeeddooyinka ka dambeeya kooxaha doonaya in ay abuuraan khilaafyo iyo caqabado gacan ku rimis ah, isagoo ku bogaadiyay hay’adaha Dowladda iyo shacabka Galmudug sidey uga feejiganyihiin sharwadayaasha, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladdu sii xoojin doonto dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Galmudug aysan ogolaan doonin gacan kasta ku howlan kala geynta Bulashada.

—–Dhamaad–

Comments are closed.

Archives
May 2026
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online