Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay madaxda hay’adaha Garsoorka Puntland.

June 30, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hay’adaha Garsoorka Dowladda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, Garyaqaan Xasan Yuusuf Nuur.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta Cabdirashiid Barkhadle Warsame, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare, Axmed Shiikh Cumar Xasan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Axmed Yuusuf Taaraan, Guddiga sare ee Garsoorka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka ee gobolada, guddoomiyayaasha Maxkamadaha Darajada Koowaad ee degmooyinka iyo xeer-ilaalayaasha gobolada Puntland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd horumarinta hay’adaha Garsoorka iyo dardargelinta howlaha laamaha Caddaaladda, si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada garsoorka ee Dowladda Puntland.

—DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
June 2026
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online