Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socda AFRICOM oo la kulmay

July 30, 2026 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo taageerada Dowladda Mareykanka ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muuqda ka qaadanayo xoojinta awoodda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyo adkaynta amniga, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson ayaa adkeeyey sida ay Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee labada dal.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
July 2026
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online