Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland
July 8, 2026 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland, kuwaas oo maalmahan shir uga socday magalaadda caasimadda ah ee Garoowe.
Kulanka, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland, waxaa ka qaybgalay dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee lagu soo doortay hannaanka qof iyo codka ee tooska ah. Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta hannaanka maamul-daadejinta, xoojinta wada-shaqeynta dowladda Puntand iyo degmooyinka, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee loo hayo shacabka.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane, Cabdi Xirsi Cali qarjab iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Dr Carshe Maxamed Siciid.
— DHAMMAAD —
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

.gif)

