Madaxweynaha DFS oo kulan dhiirrigelin la qaatay 10-kii arday ee kaalmah u horeeyey galay.

August 26, 2026 - Written by Editor

Muqdisho:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha ugu horreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaanka, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ardayda u ballanqaaday in arday kasta oo daneynaya in uu dalka gudhiisa ka sii wato waxbarashadiisa uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, si loo dhiirrigeliyo haldoorka aqoonta iyo jiilka cusub ee dalka hoggaamin doona.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay qorsheyneyso hirgalinta Jaamacad kale oo dowladeed taasi oo bixindoonta casharo u gaar ah Teknoolojiyadda, taasi oo fursado waxbarasho oo tayo leh siindoonta dhallinyarada soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa daneynaya culuumta casriga ah iyo tiknoolajiyadda.

——-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
August 2026
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online