Madaxweynaha Dowlada Puntland oo kulan la qaatay Saraakiilka socota AFRICOM

August 2, 2026 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo La-taliyaal ah ayaa Magaalada Bosaaso shir kula yeeshay Wefti ka socday Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hawlgalka AFRICOM oo uu hogaaminayey Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Heshiiska ayaa Dowladda Mareykanka u ogolaanaya in ay ballaariso saldhiggeeda Magaalada Bosaaso si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo suggidda amniga Badaha.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo cadow kasta ee wax u dhimi kara amniga, xasiloonida iyo horumarka Puntland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Africa.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
August 2026
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online