Madaxweynaha Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Dekedda Garacad.

August 26, 2026 - Written by Editor

Garacad:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda Garacad, isagoo xariggaa ka jaray dhismaha kaydinta badeecadaha, isla markaasina kormeeray jenbiga cusub ee (C) oo dhowaan lagusoo kordhiyey Dekadda iyo Jenbiga (D) oo isagana shaqadiisu socoto.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday Xafiisyada cusub ee Wasaaradaha ku shaqo leh arrimaha Dekadaha Puntland, ay ku dhex sameysteen Dekadda kuwaasi oo si casri ah loo dhisay, loona diyaariyey in ay fududeeyaan waxkasta oo ku saabsan shaqada Dekadda iyo dardargelinteeda.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan sida ay u socoto howsha Dekadu ka dhegaystay Guddiga iyo Maamulka Dekadda Garacad iyo injineerrada shirkadda gacanta ku haysa dhismaha, waxaana kormeerkan daarran yahay dadaallada Dowladda ee lagu horumarinayo kobcinta adeegyada ay bixinayso Dekedda Garacad.

– DHAMMAAD –

Comments are closed.

Archives
August 2026
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online