Madaxweynaha Puntland oo la kulan la qaatay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM)

August 31, 2026 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo uu hogaaminaayo Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Africa, Colonel James Rose .

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Maraykanka ee magaalada Boosaaso, Iskaashiga hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Daacish iyo Alshabaab ee ku dhuumalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow, la-dagaalanka burcad-badeedda, iyo horumarinta tababarrada Ciidamada Difaaca Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa kulanka kala qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo Saraakiil ciidan.

— DHAMMAAD —

Comments are closed.

Archives
August 2026
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online