Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Kulan Muhiim ah la qaatayDegmada Bali-busle.
August 23, 2026 - Written by Editor
Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan muhiim ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Bali-busle ee degmada Jariiban.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee degsiimada, gaar ahaan arrimaha nabadda, xasilloonida, wadajirka bulshada iyo baahiyaha horumarineed ee deegaanka. Iyadoo Madaxweynuhu ku boorriyey bulshada inay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo ilaalinta nabadda, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo nolol bulsho oo wanaagsan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sidoo kale xarigga ka jaray Ardaagga Nabadda ee Jaamac Biixi, oo ah madal loo aas-aasay xoojinta nabadda, isu-soo-dhoweynta iyo wadajirka bulshada.
Ardaaggan waxaa aas-aastay Marwo Caasha Uunlaaye, oo ka mid ahayd aas-aasayaashii Dowladda Puntland, isla markaana ka mid ah ganacsatada reer Gaalkacyo. Madashu waxay qayb ka qaadan doontaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada deegaanka.
– ——DHAMMAAD —-

.gif)

