Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

August 2, 2026 - Written by Editor

Laascaanood:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, halkaas oo xukuumadda ka fulinayso hawlo adeeg bulsho iyo kuwa horumarineedba.

Hoggaanka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan ayaa si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha, xilli maamulka ku jiro maalmaha dabaaldegga sanad-guuraddii koowaad ee asaaska Waqooyi Bari Soomaaliya.

Mudane Xamsa oo garoonka kula hadlay dad tiro badan oo soo dhoweyntiisa isugu soo baxay ayaa yiri “ Waan idiinka mahadcelinayaa soodhoweyntiina , waxaanan idiin sheegayaa in aan idin jeclahay, waan wada joognaa, waxaanan idinkala qeybgalayaa dabaaldegga sanad guurada asaaska maamulka”.

Qaar ka mid ah wasaaraddaha Dan Qaran ayaa Waqooyi Bari ka furi doona adeegyo bulsho.

Ra’iisui Wasaare Xamse ayaa hoggaanka Waqooyi Bari kala qeybgali doonna kulan dadweyne oo loogu dabaaldegayo sanad-guurada koowaad ee asaaskii maamulka.

– DHAMMAAD –

Comments are closed.

Archives
August 2026
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online